Posts

Showing posts with the label Cuntada iyo dheefshiidka

Dhibaatada kadhalata cuntada oo caloosha isaga dabatagta

Image
Dhibaatada kadhalata cuntada oo caloosha isaga dabatagta  Cuntada liska daba geeyo caloosha waxay noqotay dhibaato caadi ah oo ay dad badan ku dhacaan maalin walba, iyagoo aan ogayn khatarta caafimaad ee ay leedahay. Waa marka qofku cuno cunto aad u badan ama aad u culus, isagoo aan si fiican u ruugin, una siinin caloosha waqti ay ku baarto kuna shiido si dabiici ah. Waxaa jira dhowr sababood oo keena in cunto "lis" ku noqoto caloosha, sida: Cunto degdeg loo cuno iyadoo aan si fiican loo ruugin Cunto dufan badan ama saliid lagu karsaday oo culays saaraysa caloosha Cunto qabow ama barafaysan oo la liqo iyadoo aan la kululeyn Cunto aan si fiican u bislaan ama aan nadiif ahayn Maxaa Dhaca Marka Cunto Lisku Daba Galo? Marka calooshu ay la kulanto cunto aysan si fiican u shiidin karin, waxay keentaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin: 1. Cuno-xumo (Indigestion ): Calooshu waxay noqotaa mid culays ku dhacayo, taasoo keenta raaxo darro, dareen buuxsami degdeg ah, iyo mararka qaar calool ...