Dhibaatada kadhalata cuntada oo caloosha isaga dabatagta


Dhibaatada kadhalata cuntada oo caloosha isaga dabatagta 

Cuntada liska daba geeyo caloosha waxay noqotay dhibaato caadi ah oo ay dad badan ku dhacaan maalin walba, iyagoo aan ogayn khatarta caafimaad ee ay leedahay. Waa marka qofku cuno cunto aad u badan ama aad u culus, isagoo aan si fiican u ruugin, una siinin caloosha waqti ay ku baarto kuna shiido si dabiici ah.

Waxaa jira dhowr sababood oo keena in cunto "lis" ku noqoto caloosha, sida:

Cunto degdeg loo cuno iyadoo aan si fiican loo ruugin

Cunto dufan badan ama saliid lagu karsaday oo culays saaraysa caloosha

Cunto qabow ama barafaysan oo la liqo iyadoo aan la kululeyn

Cunto aan si fiican u bislaan ama aan nadiif ahayn

Maxaa Dhaca Marka Cunto Lisku Daba Galo?

Marka calooshu ay la kulanto cunto aysan si fiican u shiidin karin, waxay keentaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

1. Cuno-xumo (Indigestion):

Calooshu waxay noqotaa mid culays ku dhacayo, taasoo keenta raaxo darro, dareen buuxsami degdeg ah, iyo mararka qaar calool xanuun.

2. Calool-fadhiyo iyo gaas badan:

Cunto aan si fiican u shiidmin waxay caloosha ku keentaa gubasho, gaas badan, iyo dibiro (constipation) joogto ah.

3. Barar iyo calool buuran:

Dad badan ayaa dareema calool barar iyo buurnaan degdeg ah kadib markay cunaan cunto culus, taasoo mararka qaar ka dhigta qofka mid hurdo la’aan ah ama madax xanuun leh.

4. Lallabbo iyo matag:

Cunto lis ah waxay mararka qaar sababi kartaa calool kacsan iyo baahi jirka uga timaadda inuu ka takhaluso wixii dhibaya, taasoo keeni karta matag.

5. Dhibaatooyin dheefshiid oo daba-dheer:

Haddii cunto lis ah si joogto ah loo cuno, waxay keeni kartaa cudurro dheefshiidka la xiriira sida calool xanuun daba-dheer, gaas joogto ah, iyo mararka qaar caabuq caloosha ah (Gastritis).

6. Dhibaatada nafaqada:

Cunto aan si fiican loo ruugin waxay yarayn kartaa in jirku si fiican u nuugo nafaqada. Taasina waxay keentaa daal, tamar yari, iyo hurdo la’aan.

Sidee Looga Hortagi Karaa Dhibaatadan?

Cunto kasta si fiican u ruug, hana liqin marka ay weli weyn tahay.

Ha cunin si degdeg ah ama adigoo taagan ama soconaya.

Ka fogow cuntooyinka culus habeenkii ama xilliyada aad aadka u daallan tahay.

Ku dadaal in cuntadaadu noqoto mid dheellitiran — nafaqo leh, bisil, iyo nadiif ah.

Biyo cab kahor iyo kadib cuntada si calooshu u hesho dheelitirnaan. 

Gabagabo:

Cuntada liska daba gasho caloosha waa arrin laga taxadari karo, lagana hortagi karo hadii la barto dhaqanka cunis wanaagsan. Calooshu waa qayb muhiim u ah caafimaadka guud ee jirka, sidaas darteed waa in aan siiya waqti, xushmad, iyo daryeel. 

 jaantus kusabsan cuntada oo lagu sumoowo 



Author : By HOSHOW GULLED 

Comments

Popular Posts