Posts

Showing posts with the label GMF Foods

CUNNOOYINKA HIDDASIDAHOODA WAX LAGABEDELAY (GMF)

Image
CUNNOOYINKA HIDDASIDAHOODA WAX LAGABEDELAY (GMF) Cunnooyinka si garnaqsi ah loo bedelay, oo loo yaqaan GMF (Genetically Modified Foods), waa nooc ka mid ah cuntooyinka la beddelay hiddo-sideyaashooda (DNA) si ay u yeeshaan astaamo gaar ah. Waxaa loo sameeyaa si loogu hagaajiyo wax-soosaarka, iska caabinta cudurrada, ama in kor loo qaado nafaqooyinka ku jira. QAYBAHA GMF 1. Khudaar iyo miraha la beddelay Tusaale: Qamadiga, galleyda, tufaaxa, iyo mooska oo hiddo-side lagu daray si ay u adkeystaan cayayaanka ama haraadka. 2. Xoolaha la quudiyo cunto GM ah Xoolaha sida lo’da ama digaagga la siiyo cuntooyin ka sameysan dalagyada GM ah. 3. Cuntooyinka la farsameeyay Cuntooyinka laga sameeyo waxyaabo GM ah, sida saliidaha galleyda ama sonkorta laga helo sonkor-biidka GM ah. NUUCYADA GMF 1. Iska-caabbiya cayayaanka Dalag si dabiici ah uga hortaga waxyeellada cayayaanka iyada oo aan sun lagu buufin. 2. U adkaysi u leh kiimikooyinka lagu buufiyo Dalagyo aan dhibaato ka qaadin kiimikada lagu nadi...