Mowduuca: Sidee Loo Xoojiyaa Nidaamka Difaaca Jirka (Immune System-ka)? – Talooyin Caafimaad oo Waxtar Leh
Sidee Loo Xoojiyaa Nidaamka Difaaca Jirka Nidaamka difaaca jirka waa dhufayska ugu horreeya ee na difaaca marka cudur ama bakteeriya soo weerarto jirkeena. Waxaa la dhihi karaa: haddii difaaca jirka uu liito, jirka oo dhami wuu liitaa . Qofka leh difaac xooggan wuu ka badbaadaa caabuqyada, hargabka, iyo xitaa cudurro halis ah sida kansarka. Maqaalkan waxaannu ku falanqeynaynaa talooyin caafimaad oo la hubo inay si dabiici ah u xoojiyaan difaaca jirka , iyadoo aan loo baahnayn dawooyin badan ama lacag badan. Nafaqooyinka Jirka u Muhiimka ah a) Cuntooyinka hodanka ku ah Fitamiinada Fitamiin C : Ka hortagga hargabka iyo dardaro u siinta unugyada difaaca jirka. Waxaad ka helaysaa: Liin, oranji, babaay, cambaha, yaanyo. Fitamiin D : Waxaa laga helaa qorraxda, kalluunka baruurta leh, iyo ukun. Waa muhiim u ah ilaalinta nidaamka difaaca. Zinc : Macdanta Zinc waxay xoojisaa awoodda jirka ee la dagaallanka infekshannada. Waxaa laga helaa hilibka, lowska, iyo digi...