Mowduuca: Sidee Loo Xoojiyaa Nidaamka Difaaca Jirka (Immune System-ka)? – Talooyin Caafimaad oo Waxtar Leh
Sidee Loo Xoojiyaa Nidaamka Difaaca Jirka
Nidaamka difaaca jirka waa dhufayska ugu horreeya ee na difaaca marka cudur ama bakteeriya soo weerarto jirkeena. Waxaa la dhihi karaa: haddii difaaca jirka uu liito, jirka oo dhami wuu liitaa. Qofka leh difaac xooggan wuu ka badbaadaa caabuqyada, hargabka, iyo xitaa cudurro halis ah sida kansarka.
Maqaalkan waxaannu ku falanqeynaynaa talooyin caafimaad oo la hubo inay si dabiici ah u xoojiyaan difaaca jirka, iyadoo aan loo baahnayn dawooyin badan ama lacag badan.
Nafaqooyinka Jirka u Muhiimka ah
a) Cuntooyinka hodanka ku ah Fitamiinada
-
Fitamiin C: Ka hortagga hargabka iyo dardaro u siinta unugyada difaaca jirka. Waxaad ka helaysaa:
-
Liin, oranji, babaay, cambaha, yaanyo.
-
-
Fitamiin D: Waxaa laga helaa qorraxda, kalluunka baruurta leh, iyo ukun. Waa muhiim u ah ilaalinta nidaamka difaaca.
-
Zinc: Macdanta Zinc waxay xoojisaa awoodda jirka ee la dagaallanka infekshannada. Waxaa laga helaa hilibka, lowska, iyo digirta.
b) Cuntooyinka dabiiciga ah ee ladnaanta kor u qaada
-
Toonta: Waa antibiotic dabiici ah oo ka hortagta jeermiska.
-
Malabka: Wuxuu leeyahay waxyaabo ka hortaga caabuqa iyo bakteeriyada.
-
Caanaha geela ama lo’da dabiiciga ah: Waa cunto hodan ku ah borotiinada iyo antibodies-ka.
Hurdo Kafiilan oo Maalinle ah
Hurdo yarida waxay si toos ah u wiiqdaa nidaamka difaaca. Qofka weyn wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 7 ilaa 9 saacadood oo hurdo ah habeenkii. Hurdo fiican waxay jirka siisaa awood uu ku soo celiyo difaaciisa oo kacsan.
3. Jimicsi Joogto ah
Jimicsigu wuxuu xoojiyaa wareegga dhiigga, taasoo sahleysa in unugyada difaaca jirka si fudud u gaaraan meel kasta. Talooyin:
-
Socod 30 daqiiqo maalintii
-
Baaskiil wado
-
Ciyaaraha fudud sida orod yar ama dabaal
Laakiin: Jimicsi xad-dhaaf ah wuxuu noqon karaa waxyeelo, gaar ahaan haddii jirka daalay.
Iska Ilaali Walbahaarka Joogtada ah
Marka aad si joogto ah u walwasho, jirkaaga wuxuu sii daayaa hormoono sida cortisol, kuwaasoo hoos u dhigaya awoodda difaaca. Talooyinka yaraynta walbahaarka waxaa ka mid ah:
-
Neefsasho qoto dheer oo deggan
-
Ducada, salaadda iyo feejignaanta ruuxiga ah
-
Maalin kasta wakhti aad naftaada la qaadato
Ka Fogaanshaha Dabeecado Jirka Duminaya
a) Sigaar cabidda
Sigaar cabistu waxay wiiqdaa unugyada difaaca, waxayna fure u tahay cudurro sida kansarka sambabada, caabuqa, iyo qufac joogto ah.
b) Cabista Khamriga
Khamrigu wuxuu yareeyaa awoodda jirka ee la dagaallanka bakteeriyada iyo fayrasyada.
c) Cuntada degdega ah (fast food)
Cuntooyinka aadka u baruurta badan, sonkorta leh, iyo buufiska ah waxay abuuraan barar jirka ah (inflammation), taasoo curyaamisa difaaca.
Nadaafadda Shaqsiga
Gacmaha dhaqid joogto ah, cadayashada afka, iyo daryeelka jirka waa tallaabooyin aasaasi ah. Waxaa muhiim ah in:
-
Gacmaha lagu dhaqo 20 ilbiriqsi markasta oo la galo ama la baxo meel dad badan joogaan.
-
Ilkaha la cadayo 2 jeer maalintii
-
Maryaha la baddalo si joogto ah
Cabidda Biyo Ku Filan
Biyaha waxay ka shaqeeyaan:
-
Isku socodka unugyada jirka
-
Ka saaridda sunta
-
Ka hortagga qallalka, kaasoo keeni kara tabar-darro difaac
Ujeedadu waa inaad cabto ugu yaraan 8 koob biyo ah maalintii, ama wax ka badan haddii aad jimicsi samaynayso ama cimiladu kulushahay.
Gabagabo
Nidaamka difaaca jirka waa sida darbi naga difaaca weerarro kala duwan oo la kulanno maalin kasta. Waxaa la gudboon qof walba inuu barto sida loo xoojin karo darbigaa dabiiciga ah. Ma aha in la sugo in cudur ku dhaco, balse waa in la sii diyaargaroobaa.
jaantus kusaabsan difaaca jirka“Jir caafimaad qaba waa hantida ugu weyn ee nolosha.”
Author: HOSHOW GULLED



Comments