Cuntooyinka iyo waqtiga ay kuqataan dheefshiidka
Cuntooyinka iyo waqtiga ay kuqataan dheefshiidka
Dheefshiidku waa habka uu jidhku u burburiyo una nuugo nafaqooyinka ku jira cuntada. Cunto kasta waxa ay leedahay qaab gaar ah oo loo shiido, waana sababta ay muhiim u tahay in la ogaado inta ay ku qaadato in ay caloosha iyo mindhicirka ka gudubto. Ogaanshaha arrintan waxa ay naga caawisaa in aan si habboon u cuno, u nasto, isla markaana uga hortagno xanuuno la xiriira dheefshiidka sida calool-xanuun, daaco, iyo barar.
Liiska Cuntooyinka iyo Waqtiga Ay Ku Dheefshiidmaan
1. 🐔 Digaaga (Chicken) – 2 ilaa 3 saacadood
2. 🥚 Ukunta (Eggs) – Qiyaastii 30 daqiiqo
3. 🥕 Karootada (Carrots) – Ilaa 50 daqiiqo
4. 🍉 Qaraha (Watermelon) – 20 daqiiqo
5. 💧 Biyaha (Water) – 5 daqiiqo
6. 🥔 Bataatiga (Potatoes) – 60 daqiiqo
7. 🍎 Tufaaxa (Apples) – Qiyaastii 40 daqiiqo
8.water -- Biyaha 5 dqiiqo
9.Apples -- Tufaaxa 40 daqiiqo
Waa qaar kamid cuntooyinka lacuno iyo waqtiga ay kuqaataan in ay dheefshiidmaan
Sida caadiga ah caloosha waxa ay cuntada kujiri karaa 2- 4 saacadood taas oo kabilaabata xiliga aad cuntada cuntay.
Maxaa Dhaca Haddii ay cutooyinka ay isaga dabatagaan caloosha
Haddii aad cunno cuntoo kala duwan waqti dhow — gaar ahaan kuwa si degdeg ah u dheefshiidma (sida khudradda iyo miraha) iyo kuwa dheefshiidkoodu dheer yahay (sida hilibka), waxa laga yaabaa in ay isku dhex dhacaan caloosha. Taasi waxay keeni kartaa:
•Calool fadhi
•Aaryo badan
•Xanuunka caloosha
"Daaco shiir" (cunto aan si fiican u dheefshiidmin oo dhalisa gaas iyo dareere caloosha ah)
Talooyin La Xiriira Dheefshiidka
💧 Cab biyo badan: Biyuhu waxay fududeeyaan dheefshiidka, waxayna gacan ka geystaan nadiifinta mindhicirka.
🕒 Cun cuntooyinka si kala danbeeya: Ka fogow inaad isku darsato cuntooyin badan oo kala nooc ah waqti isku dhow
🚶♂️Ka dib cuntada soco: Socod yar ka dib cuntada waxa uu caawiyaa dhaq-dhaqaaqa caloosha
Gunaanad
Dheefshiidku waa geedi socod muhiim u ah caafimaadka guud ee jirka. Marka aan si fiican u naqaano cuntooyinka aan cunayno iyo waqtiga ay ku dheefshiidmaan, waxa ay naga caawisaa in aan ka hortagno xanuunada caloosha. Had iyo jeer xasuuso: “Cunto caafimaad leh + nidaam cunid oo sax ah = Jir caafimaad qaba.”
F.G: Qoraalkan wuxuu ku saleysan yahay xog cilmiyeed guud. Haddii aad qabto dhibaatooyin joogto ah oo dheefshiid la xiriira, la xiriir dhakhtar si aad u hesho talo caafimaad.
Author: By HOSHOW GULLED
Dhamaad



Comments