Cunno isku dheelitiran (Balance Diet)
Cunno isku dheelitiran (Balance Diet)
Cunno isku dheelitiran oo afka qalaad lagu yiraahdo "Balance Diet " waa cuntda ugu fiican ee lacuno maanta fa,ido badana uleh jirka inta badan dadka macunaan cunno isku dheelitiran, waxaana lagu sababeeyaa dhaqaalo yari jirta " scarcity" badanaa cuntoyinka aan cunno waxaa ku badan carbohydrate-ka sidaasina sax ma,ahan waxaa wanaagsan in ay ahaato cuntada mid isku dheelitiran
Cunno isku dheelitiran (Balanced Diet) waa cunno ka kooban dhammaan nafaqooyinka muhiimka ah ee jirku u baahan yahay si uu u shaqeeyo si habboon. Waa cunno jirka siinaysa tamar, dhisid, iyo difaac. Nasiib darro, dad badan maanta ma helaan cunto noocaas ah sababo la xiriira dhaqaale xumo, wacyi la’aan, ama helitaan la’aan cuntooyin nafaqo leh.
Badanaa cuntooyinka aynu cunno waxay ka kooban yihiin karbohaydrayt uun sida rootiga, bariiska, iyo baastada—laakiin waa in ay la socdaan borotiin, dux, fiitamiinno, macdan, iyo biyo, si ay ugu noqoto mid isu dheellitiran.
○Muhiimada ay leedahay cuntada isku dhelitran.
Cunnada isku dheelitiran waxa ay muhiimad wayn u leedahay jirka fa,idoyinkeedana waxaa kamid ah
• waxa ay caafimaad iyo nafaqo wanagsan utahay jirka.
• waxa ay naga difaacdaa cuduradda soo daaha oo aan lakala qaadin " chronic non communicable diseases, sida cuduradda ku dhaca wadnah, Cudurka sonkorta, iyo kansarka.
• waxa ay dhistaa difaaca jirka
• waxa ay ladagaalantaa infection-da
• waxa ay maamushaa culeyska jirka
•Waxay kobcisaa caafimaadka jirka guud ahaan
🛡️• Waxay xoojisaa difaaca jirka (immune system)
Waa maxay lix-da nuxurka asaasiga ee lago helo cuntoyinka waxaana kamid ah
1- carbohydrate karbohaydka)
2- Proteins ( Borotiin)
3 Lipids (Duxda/ Cadiin, Xayr )
4- minirals (Macdanta)
5- Vitamins (Fifamiino)
6- water (Biyo)
Intaan ayaa lisku dhahaa lix-da nuxurka asaasiga ee cuntada laga helo "Six basic nutrients of foods". Hadaan soo qadano tusaale kusaabsan cuntooyin laga wada helikaro dhamaan lix-daan waxaa kamid ah
1- Ukunta (Egg)
2- Caanaha (Milk)
3- Timirta ( Dates) iyo kuwakale
Tusaalayaal Cunto Isku Dheellitiran Ah
Waxaad isku dari kartaa cuntooyin ay ka mid yihiin:
Ukun + Canjeero + Kalluun + Caano
Bariis + Digir + Khudaar
Timir + Ukun + Biyo + Midho (Tufaax, Moos, iwm)
Kuwo badan oo ka mid ah cuntooyinkaas waxa laga heli karaa gudaha dalka sida:
Timirta Soomaaliya
Khudaarta beeralayda
Ukunta iyo caanaha xoolaha gudaha
Gunaanud :
Inkastoo dadka dhami aysan wadaheli karin cunto isku dheelitiran hadana waa lagama maarmaan maadama ay fa,idooyin badan uleedahay jirka. Aan kawada fa,ideydsano kheyraadka Alle inoo dhex dhigay wadankeena
DHAMAAD
Qoraa : Hoshow Gulled


Comments