Vitaminnada iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Jirka Aadanaha
Vitaminnada iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Jirka Aadanaha
Vitaminnada waa maaddooyin nafaqo oo jirku u baahan yahay qadar aad u yar, balse muhiim ah si uu si caadi ah u shaqeeyo. Inkasta oo aanay tamar si toos ah u siin jirka, haddana waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan dhammaan hawlaha jirka, sida korriinka, ilaalinta difaaca jirka, ka hortagga cudurrada, iyo shaqada unugyada.
Noocyada Vitamin-nada
Vitaminnada waxaa loo kala saaraa laba kooxood:
1. Vitaminnada Biyaha lagu milo: Kuwani waa vitamino aan jirka si wakhti dheer ah ugu kaydsanayn. Waxaa ka mid ah:
Vitamin B Complex (B1 ilaa B12)
Vitamin C (Ascorbic acid)
2. Vitaminnada Dufanka lagu kaydiyo: Kuwani jirku wuu kaydin karaa, waxaana lagu keydiyaa beerka iyo unugyada dufanka leh:
Vitamin A
Vitamin D
Vitamin E
Vitamin K
Doorka Vitamin kasta ku leeyahay Jirka
1. Vitamin A
Doorka: Aragga habeenkii, koritaanka unugyada, ilaalinta maqaarka, iyo difaaca jirka.
Ilo: Karooto, kale, beerka, subagga, ukunta.
2. Vitamin B Group (B1–B12)
Doorka guud: Tamarta jirka, shaqada neerfayaasha, koritaanka unugyada, iyo samayska dhiigga cas.
Ilo: Galleyda, digirta, kalluunka, ukunta, hilibka cad iyo casba
3. Vitamin C
Doorka: Samaynta collagen-ka, bogsashada dhaawacyada, kor u qaadista difaaca jirka, iyo ka hortagga hargabka.
Ilo: Liin, oranjo, cananaaska, yaanyada, baradhada.
4. Vitamin D
Doorka: Caawinta nuugista kalsiyamka, xoojinta lafaha, iyo difaaca jirka.
Ilo: Qoraxda, kalluunka baruurta leh, ukunta, caanaha la dufanka ka qaaday.
5. Vitamin E
Doorka: Ilaalinta unugyada (antioxidant), hagaajinta dhiig wareegga, iyo ilaalinta maqaarka.
Ilo: Nuts, saliid saytuun, canola, spinach.
6. Vitamin K
Doorka: La xiriira dhiig-joojin (blood clotting) iyo caafimaadka lafaha.
Ilo: Khudaarta cagaaran sida kale, broccoli, iyo saytuunka.
Saamaynta Ka Dhalata Darrida Vitaminnada
Vitaminnada marka ay jirka ka yaraadaan, waxa dhici kara dhibaatooyin kala duwan, sida:
Vitamin A yaraantiisa: aragga oo daciifa, infekshannada oo bata.
Vitamin D yaraantiisa: lafo-jileeca (rickets ama osteomalacia).
Vitamin C yaraantiisa: cudurka scurvy (ilko dillaacsan, daal badan).
Vitamin B12 yaraantiisa: dhibaatooyin maskaxda iyo neerfaha ah.
Sidee Loo Heli Karaa Vitamin Ku Filan?
Cuntooyin isku dheelitiran – Cun khudaar, miraha, kalluunka, hilibka, iyo cuntooyinka la dufanka ka qaaday.
Kaabeyaasha nafaqada (supplements) - Haddii dhakhtar kuu sheego ama aad leedahay baahi gaar ah.
Qorraxda si caadi ah u gal – Waxa ay muhiim u tahay helidda Vitamin D
Jaantus kusabsan vitamiinada
Author : By HOSHOW GULLED



Comments