Aqoonta Bulshada ee Caafimaadka Maskaxda: Maxaa Looga Baahanyahay?
Aqoonta Bulshada ee Caafimaadka
Caafimaadka maskaxdu waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka guud ee bini’aadamka. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaaliyeed badankeed wali kuma baraarugsana muhiimadda caafimaadka maskaxda. Qaar waxay u arkaan in uu yahay "waali" ama cudur laga ceebsado. Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa baahida loo qabo in la fahmo caafimaadka maskaxda, cudurradiisa, iyo sida bulsho ahaan aan u wajahno.
Maxaa Loo Yaqaannaa Caafimaadka Maskaxda?
Caafimaadka maskaxdu waa:
Kartida qofku u leeyahay inuu si caadi ah u fikiro, u dareemo, u dhaqmo, una wajaho dhibaatooyinka nolosha.
Xirfadda lagu xakameeyo walbahaarka, murugada, iyo culeyska maalinlaha ah.
Haddii caafimaadka maskaxdu xumaado, qofku wuxuu la kulmaa:
Murugo joogto ah
Walwal aan sabab lahayn
Dhiig kar ama hurdo la’aan
Xaalado kale oo dhaawici kara maskaxda iyo jidhkaba
Sababaha Caafimaadka Maskaxda U Xumaado
A. Dhibaatooyinka Bulsho
Faqriga, colaadaha, barakaca, iyo shaqo la’aanta waxay si toos ah u saameeyaan maskaxda.
B. Xanuunada Qoyska
Kala-tagga waalidiinta, geerida xubnaha qoyska, ama rabshadaha guriga ka dhaca waxay dhaawacaan dareenka maskaxda.
C. Cunsuriyadda iyo Cabsida Bulsho
Dadka laga tirada badan yahay ama ka laaban kara bulshada waxay dareemaan kalinimo, niyad-jab, iyo walwal.
Caqabadaha Fahamka Bulshada
A. Ceeb u Aheyd Sheegashada Cudurka
Dad badan ayaa ka baqa in lagu arko inay 'waalan yihiin' haddii ay sheegtaan inay la tacaalayaan dhibaatooyin maskaxeed.
B. Aaminsanaanta Inaan Daawo Loo Baahnayn
Qaar waxay rumeysan yihiin in bukaanka caafimaadka maskaxda uu iska fiicnaan doono hadduu "Alle baryo" ama "la tukado" oo kaliya.
C. Ka War La’aanta Adeegyada Jirra
Maxaa Laga Baahan Yahay Bulshada?
A. Wacyigelin Bulsho
In la sameeyo barnaamijyo lagu barayo bulshada in caafimaadka maskaxdu la mid yahay caafimaadka jidhka.
B. In la Dhiirrigeliyo Dadka Xanuunsan
Dhibbanayaasha ha lagu dhiirrigeliyo inay caawimaad raadsadaan, halkii laga ceebeyn lahaa.
C. Adeegyo La Heli Karo
Dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay waa inay abuuraan xarumo si hufan u daweeya caafimaadka maskaxda.
....................Gunaanad.........................
Caafimaadka maskaxda waa tiir muhiim u ah nolosha qofka iyo bulshada. Ma jiro caafimaad dhammaystiran haddii maskaxda aanay caafimaad qabin. Waa waajib in la jebiyo darbiyada aamusnaanta iyo ceebeynta, lana abuuro bulsho fahamsan, taageerta, una naxariista kuwa la ildaran dhibaatooyinka maskaxda. Tallaabada kowaad waa wacyigelin – waana masuuliyad inaga wada saaran.
DHAMAAD
Author Hoshow Gulled


Comments