CUDURKA QANJIRKA TAYROODHKA (THYROID PROBLEMS)
CUDURKA QANJIRKA TAYROODHKA (THYROID PROBLEMS)
Hordhac
Qanjirka tayroodhka waa qanjir yar oo qaab ahaan u eg baalasha shinbir, kuna yaal bartamaha qoorta, gaar ahaan hoose ee hunguriga. Inkasta oo uu yar yahay, haddana wuxuu leeyahay door aad u weyn oo uu ku leeyahay habsami u socodka jirka. Qanjirkan wuxuu soo daayaa hormoonnada T3 iyo T4 oo nidaamiya degdegga iyo tayada uu jirku wax u shiido (metabolism), koritaanka unugyada, tamarta jirka, iyo heer kulka gudaha.
Dhibaatooyinka qanjirka tayroodhka waxay noqdeen kuwo soo kordhaya guud ahaan caalamka, waxayna saameeyaan malaayiin dad ah, gaar ahaan haweenka.
Qaybaha Cudurrada Tayroodhka
-
Shaqo-Yaraanta Tayroodhka (Hypothyroidism):
Waa xaalad uu qanjirka tayroodhka uusan soo saarin hormoonnada ku filan jirka. Tani waxay keentaa in hawlihii jirka ay gaabis noqdaan. -
Shaqo-Badnaanta Tayroodhka (Hyperthyroidism):
Waa xaalad ka soo horjeedda midda hore, oo qanjirka uu si xad-dhaaf ah u shaqeeyo, taasoo keenta in hormoonnadu u bataan si aan caadi ahayn. -
Bararka Qanjirka (Goiter):
Waa xaalad qanjirka tayroodhka uu ku weynaado ama bararo. Waxaa laga dareemi karaa qoorta oo bararta ama culays ka muuqda. -
Xinjirro/Burooyin (Nodules):
Kuwani waa burooyin ama xinjirro ku samaysma tayroodhka, waxay noqon karaan kuwo aan waxyeello lahayn ama mararka qaar cudur halis ah. -
Kansarka Tayroodhka:
In kasta oo uu dhif yahay, hadana kansarka tayroodhka wuxuu noqon karaa mid dilaa ah haddii aan si dhaqso ah loo ogaado loona daaweyn.
Waa Maxay Sababaha Keena Dhibaatooyinka Tayroodhka?
-
Cudurrada Difaaca Jirka ee Is Weerara (Autoimmune diseases):
-
Tusaale ahaan, Hashimoto’s thyroiditis iyo Graves’ disease.
-
-
Yaraanta Iodine-ka:
-
Iodine waa curiye muhiim u ah sameynta hormoonnada tayroodhka. Marka jirku helo iodine yar, tayroodhku wuu gaabiyaa.
-
-
Daawooyin Qaar:
-
Sida lithium ama daawooyinka ka hortaga cudurrada wadnaha.
-
-
Raajada Shucaaca (Radiation):
-
Dadka loo isticmaalo daawaynta shucaaca gaar ahaan qoorta.
-
-
Xanuuno Hidde-sid ah (Genetic):
-
Qoysaska qaar waxay u nugul yihiin dhibaatooyinka tayroodhka.
-
Calaamadaha Lagu Garto Cudurka Tayroodhka
Hypothyroidism:
-
Daal joogto ah
-
Miisaanka oo kordha
-
Qabow badan
-
Niyad-jab
-
Barar qoorta ah
-
Timaha oo daata
-
Qallooca codka
Hyperthyroidism:
-
Miisaanka oo si lama filaan ah u yaraada
-
Wadnaha oo si xad dhaaf ah u garaaca
-
Gacmaha oo gariira
-
Walaac iyo hurdo la’aan
-
Cuncun iyo kululaan gudaha ah
-
Dhiigbaxa caadada (haweenka)
Talooyin Lagu Xakameyn Karo Tayroodhka
-
La xiriir dhakhtar marka aad aragto calaamado joogto ah.
-
Cuntooyin nafaqo leh cun, gaar ahaan kuwa hodanka ku ah iodine, zinc, selenium.
-
Ka fogaado cunista cuntooyinka aadka loo warshadeeyey.
-
Cab biyo nadiif ah oo badan.
-
Iska yaree walbahaarka, kuna dadaal hurdo kugu filan.
-
Samee jimicsi fudud si joogto ah.
Daaweynta Cudurrada Tayroodhka
Hypothyroidism:
-
Waxaa la siiyaa hormoon beddel sida levothyroxine, kaasoo loo qaato nolosha oo dhan mararka qaar.
Hyperthyroidism:
-
Daawooyinka yareeya soo saaridda hormoonnada (sida methimazole).
-
Iodine-ka shucaaca leh si uu u baabi’iyo unugyada tayroodhka ee xad dhaafka ah.
-
Qalliinka: Mararka qaar waxaa la saaraa dhammaan ama qayb ka mid ah qanjirka.
Goiter & Nodules:
-
Waxaa lagu daaweyn karaa daawooyin ama qalliin hadba sida uu yahay baaxadda bararka.
Kansarka Tayroodhka:
-
Qalliin, raajada shucaaca ah, iyo mararka qaar kemotherabi (kiimiko).
Gunaanad
Cudurka tayroodhka wuxuu leeyahay saameyn ballaaran oo ku saabsan jirka iyo maskaxda labadaba. Wuxuu noqon karaa mid si sahal ah loo daaweyn karo haddii si degdeg ah loo ogaado. Waa muhiim in bulshadeennu ay helaan wacyigelin sax ah, si qof kasta u barto muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo baaro qanjirka tayroodhka, gaar ahaan haddii ay jiraan calaamado laga shaki qabo.
Haddii aad isku aragto wax calaamado ah oo ka mid ah kuwaan, la xiriir xarun caafimaad si baaritaan iyo daaweyn sax ah lagu siiyo
jaantus kusaabsan cudurka thyroid ka
Author By HOSHOW GULLED


Comments