Dhibaatada Kolestaroolka: Haddii uu bato ama yaraado


Waa maxay Kolestarool?
Kolestaroolku waa dufan dabiici ah oo jirka bini’aadamku u baahan yahay si uu u dhiso unugyada, uu u soo saaro hormoonnada iyo uu u caawiyo dheefshiidka. Laakiin haddii uu kolestaroolka ku bato ama aad u yaraado, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad.
Kolestaroolka Bada – LDL (xun)
Kolestaroolka xun (LDL) markuu bato wuxuu ku ururaa darbiyada halbowlayaasha dhiigga, taasoo keenta iney xirmaan.
Tani waxay horseedi kartaa wadne xanuun, istaroog, iyo cadaadis dhiig oo sareeya.
Sababaha: cunnooyinka dufanka leh, cunto la shiilay, hilibka baruurta leh, caanaha buuxa, iyo nacnacyada warshadaysan.
Kolestaroolka Yaraada – HDL (wacan)
Kolestarool aad u hooseeya sidoo kale wuu dhib badanyahay.
Wuxuu sababi karaa: dhibaato maskaxeed, niyad-jab, daciifnimo, iyo jirrooyin kale.
Waxaa sababi kara: nafaqo-darro, daawooyin gaar ah, ama cuduro gudaha ah.
Cuntooyinka Kordhiya Kolestaroolka Xun
Iska ilaali ama xadid cunnooyinka hoos ku xusan:
Cuntooyinka la shiilay (fast food)
Subagga iyo farmaajada dhumucda leh
Hilibka baruurta leh
Buskud, keeg, iyo cuntooyinka sonkorta badan leh
Cuntooyinka Yareeya Kolestaroolka
1. Fiber-ka la buste:
Tufaax, liin, miro kale, digir, iyo oatmeal.
2. Dufan Wanaagsan (unsaturated):
Saliidda saytuunka, lowska, avokado, iniinaha (chia, flaxseed).
3. Kalluunka baruurta leh:
Salmon, sardines, mackerel (2 jeer usbuucii ugu yaraan).
4. Soy iyo cuntooyin geedo ka yimaada:
Tofu, soy milk, miraha iyo khudaarta cagaaran.
Talooyin Caafimaad
Samee jimicsi maalin kasta ugu yaraan 30 daqiiqo.
Cun cunnooyin caafimaad leh, iska yaree dufanka iyo sokorta badan.
Jooji sigaarka iyo khamriga haddii aad isticmaasho.
Hurdo ku filan iyo yaraynta stress-ka waxay muhiim u yihiin ilaalinta kolestaroolka.
Sidee loo ogaadaa heerka kolestaroolka?
Waxaa lagu ogaadaa baaritaan dhiig ah.
HDL (wacan) waa inuu ka bato 40 (ragga) ama 50 (dumarka)
LDL (xun) waa inuu ka hooseeyaa 100 mg/dL.
Mar walba la tasho dhakhtar si joogto ah.
Gunaanad

Kolestaroolka wuu muhiim u yahay jirka, laakiin haddii uu bato ama yaraado wuxuu keenaa dhibaatooyin caafimaad. Cunto caafimaad leh, dhaqdhaqaaq joogto ah, iyo la socod caafimaadka ayaa kaa caawinaya inaad ka hortagto khataraha kolestaroolka. 
Sawir kusaabsan cuntoyinka laga helo chlestrolka 






DHAMAAD 

Author By HOSHOW GULLED 



Comments

Popular Posts