Protein: Nafaqada Dhista Jirkaaga


Protein
Bani’aadamku wuxuu u baahan yahay nafaqooyin kala duwan si uu u noolaado una shaqeeyo. Mid ka mid ah nafaqooyinka ugu muhiimsan waa protein-ka. Waa walax jirka u ah dhismo, difaac, iyo tamar. Dad badan waxay u maleeyaan in protein-ka uu yahay kaliya wax muruq-dhis ah, balse xaqiiqdu waxay tahay inuu kaalin weyn ka qaato shaqooyin kala duwan oo muhiim u ah jirka iyo maskaxda.
Maxaa Protein-ka Uga Dhigaya Muhiim Nafaqooyinka Kale Dhexdooda
Protein-ku wuxuu ka kooban yahay asidho amino (amino acids) oo ah qaybaha yaryar ee jirka u dhisa unugyada, muruqyada, timaha, ciddiyaha, iyo xitaa maqaarka. Marka jirkaagu u baahdo inuu cusboonaysiiyo unug xumaaday, wuxuu isticmaalaa protein-ka.
Waxaa kaloo uu ka qayb qaataa:
Dhismaha hormoonada sida insulin.
Shaqada difaaca jirka, maadaama uu dhiso antibodiyada.
Koritaanka caruurta iyo xoojinta muruqyada dadka waaweyn.
Cuntooyinka Ugu Protein-ka Badan
Waxaa jira cuntooyin badan oo laga helo protein tayo leh, kuwaas waxaa ka mid ah:
Hilibka cad iyo cas: digaag, lo’, iyo arri.
Kalluunka iyo seafood-ka: tuna, salmon, iyo sardines.
Beedka: ukunta oo dhan, gaar ahaan cadkeeda.
Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo: yogurt, farmaajo, iyo caano fadhi.
Digirta: digir, lows, garoob, iyo noocyada kale ee dhirta.
Dad badan oo aan cunin hilib waxay isticmaalaan protein-ka dhirta laga helo sida tofu ama soy.
Calaamadaha Protein-ku Jirkaaga Uu Ka Yaran Yahay
Haddii jirkaagu helo protein yar, waxaa dhici karta in aad dareento:
1-Daallis joogto ah
2-Timaha oo daata
3-Muruqyo daciif ah
Caafimaadka maqaarka oo liita
Bogsiin gaabis ah marka aad dhaawacanto
Waa muhiim in dadka ay cunaan cuntooyin kala duwan si ay u helaan dhammaan amino acids-ka jirka u baahan yahay.
Sidee Loogu Darsadaa Protein Cunto Maalinle Ah?
Uma baahnid inaad hilib badan cunto si aad u hesho protein ku filan. Waxaad:
Ku darsan kartaa ukumo quraacda.
Cuno kalluun 2–3 jeer usbuucii.
Isticmaalo lowska ama digirta marka aad hilibka dhimeyso.
Cabto caano ama yogurt maalin kasta.
Gunaanad
Protein-ku waa nafaqo aad muhiim u ah, wuxuuna kaalin weyn ka ciyaaraa ilaalinta caafimaadka guud ee jirka. Dadka oo dhan — carruur, dhalinyaro, iyo waayeel — waxay u baahan yihiin protein si jirkooda u shaqeeyo, u koro, una bogsado. Cunto wanaagsan ayaa ah furaha caafimaad. Ha illoobin inaad maalin kasta si tartiib ah ugu darsato protein-ka noloshaada. 

                         DHAMAAD 



Author By HOSHOW GULLED 

Comments

Popular Posts