Cuntooyinka Ka Hortaga Dhiig-yarida (Anemia)

Cuntooyinka Ka Hortaga Dhiig-yarida (Anemia)

1. Hordhac:
Dhiig-yarida (Anemia) waa xaalad uu jirku ka helo hoos u dhac ku yimaada unugyada cas ee dhiigga ama birta (iron) jirka. Waxay keentaa daal, madax xanuun, neef qabatimo, iyo feejignaan la’aan. Cunto nafaqo leh ayaa ah furaha ugu weyn ee lagu xakameeyo.

2. Maxaa keena dhiig-yarida?
Cunto bir yar leh
Dhiigbax joogto ah (sida haweenka caadada badan qaba)
Cuduro dhibaato ku keena nuugista birta
Uur iyo nuujin oo keena baahi nafaqo dheeri ah

3. Cuntooyinka ka hortaga dhiig-yarida:
Hilibka casaanka ah (sida lo’da): Xigasho weyn oo bir ah
Kalluunka & digaagga
Beerka xoolaha
Khudaarta cagaaran sida spinach
Digirta & lowska
Tufaax & rummaan
Cuntooyinka hodan ku ah Vitamin C (sida oranjo & liin) oo ka caawiya jirka inuu si fiican u nuugo birta 

4. Talooyin muhiim ah:
Isku dar cunto bir leh iyo mid Vitamin C leh (tusaale: spinach + liin)
Ka fogow cabitaanada kafeynta leh marka aad cunto bir leh cuneyso
Samee baaritaanno dhiig si joogto ah haddii aad dareento calaamado 

5. Gabagabo:
Dhiig-yaridu waa xaalad laga hortagi karo. Cuntooyin sax ah iyo fahamka sababaha keena waxay kaalin weyn ka qaataan ilaalinta caafimaadka. Si joogto ah u cun cuntooyin hodan ku ah birta si aad u hesho nolol firfircoon.














    


                           DHAMAAD 

W/Q : Hoshow Gulled 

Comments

Popular Posts