Sidee Uga Faa’iidaysan Kartaa Ukunta Maalinlaha ah?
Sidee Uga Faa’iidaysan Kartaa Ukunta Maalinlaha ah?
1. Hordhac:
Ukunta waa cunto sahlan oo qiimo badan leh. Dad badan ayaa u cunaan sabab ah dhadhanka iyo fudeydka diyaarinteeda, balse inta badan lama ogaan karo nafaqooyinka muhiimka ah ee ay leedahay.
2. Nafaqada ku jirta ukunta:
Ukunta waxay ka kooban tahay borotiin tayo sare leh, Vitamin D, Vitamin B12, selenium iyo choline — kuwaasoo muhiim u ah jirka, maskaxda iyo difaaca. Xitaa yolk-ga (jaallaha) ukunta waxa ku jira dufan faa’iido leh.
3. Faa’iidooyinka caafimaad ee ukunta:
Waxay dhistaa muruqyada iyo unugyada.
Waxay kor u qaadaa shaqada maskaxda.
Waxay xoojisaa lafaha iyo ilkaha.
Waxay hoos u dhigtaa gaajada, taas oo kaa caawin karta xakameynta miisaanka.
4. Sidee loo cuni karaa si caafimaad leh?:
Ukunta waxaa lagu karin karaa siyaabo kala duwan: la shiilo (laakiin aan dufan badan lagu darin), la kariyo (boiled), ama lagu daro salad iyo suugada. Waxaa fiican in la iska ilaaliyo shiilid xad-dhaaf ah iyo saliid badan.
5. Gabagabo:
Ukuntu waa cunto aad u awood badan oo la heli karo si fudud. Cunto maalinle ah oo leh ukun waxay jirkaaga siin kartaa nafaqo dhameystiran, gaar ahaan haddii si caafimaad leh loo diyaariyo.
Jaantus kusabsan ukunta iyo khudarta
DHAMAAD
W/Q Hoshow Gulled



Comments