CUDURKA CAGAARSHOWGA ( HEPATITIS DISEASES)

Fahamka Cudurka Hepatitis: Calaamadaha, Sababaha, Daaweynta iyo Ka-hortagga

Qaybta 1: Waa maxay Hepatitis?

Hepatitis waa barar ama caabuq ku dhaca beerka (liver). Waxaa sababi kara fayrasyada, daawooyin, maandooriyaha, ama xitaa xanuunno kale oo jirka ku dhaca. Beerku waa xubinta ugu weyn ee jirka ka nadiifisa sunta, markaa marka uu cudur ku dhaco, waxay saameyn ku yeelan kartaa shaqadiisa muhiimka ah.

Qaybta 2: Noocyada Hepatitis

Waxaa jira noocyo kala duwan oo Hepatitis ah, waxaana ugu waaweyn:

Hepatitis A: Waxaa keena fayras, faafitaankuna wuxuu ka yimaadaa cuntada ama biyaha wasakhaysan.

Hepatitis B: Waxaa laga qaadaa dhiig, galmo aan badbaado lahayn, ama hooyo u gudbisa cunugeeda inta uurka lagu jiro.

Hepatitis C: Waxaa inta badan laga qaadaa dhiig wasakhaysan ama qalab caafimaad oo aan nadiif ahayn.

Hepatitis D: Kaliya wuxuu ku dhici karaa qof horey u qabay Hepatitis B.

Hepatitis E: Wuxuu u eg yahay Hepatitis A, wuxuuna badanaa ku faafaa biyo wasakhaysan.

Qaybta 3: Calaamadaha Hepatitis

Calaamadaha Hepatitis waxay ku xirnaan karaan nooca fayraska, laakin kuwa ugu badan waxaa ka mid ah:

Daalku badan (xanuun joogto ah)

Qandho iyo madax xanuun

Cunto diiddo

Lalabbo ama matag

Calool xanuun, gaar ahaan dhinaca midig

Maqaarka iyo indhaha oo jaalle noqda (Jaundice)

Qaybta 4: Sababaha Keena Hepatitis

Hepatitis wuxuu ka imaan karaa sababo kala duwan:

Fayrasyada (A, B, C, D, E)

Cabitaanka khamriga xad-dhaafka ah

Daawooyin ama kiimikooyin waxyeello u geysta beerka

Caabuq kale oo jirka ah

Dhiig la isku gudbiyo oo aan baaritaan marin

Qaybta 5: Sida Loo Daweeyo Hepatitis

Daaweyntu waxay ku xirantahay nooca iyo heerka cudurka:

Hepatitis A & E: Waxay inta badan iskeed u bogsadaan, waxaana lagu daaweeyaa daryeelka guud (nasasho, biyo badan, iyo cunto fiican).

Hepatitis B & C: Waxaa loo isticmaalaa daawooyin gaar ah sida antivirals si loo yareeyo fayraska loona ilaaliyo beerka.

Qofka qaba Hepatitis Chronic (waqti dheer) wuxuu u baahan karaa daaweyn joogto ah iyo baaritaanno joogto ah.

Qaybta 6: Taloyin Caafimaad oo Lagu Hortagi Karo Hepatitis

Ka fogow cabitaanka biyaha aan nadiifka ahayn

Cunto karis fiican samee, gaar ahaan ukunta iyo kalluunka

Iska jir isticmaalka irbado la wadaago

Samee tallaalka Hepatitis A & B

Isticmaal galmo badbaado leh

Hubi in qalabka caafimaadka ama tattoo loo isticmaalo yahay mid nadiif ah

Gabagabo

Hepatitis waa cudur si fudud loo qaadi karo, laakiin sidoo kale si weyn looga hortagi karo. Wacyigelin, nadaafad, tallaal iyo daaweyn degdeg ah ayaa kaalin weyn ka qaata yaraynta saameynta cudurkan. Waa muhiim in dadku fahmaan sida uu u faafayo iyo sida loo daryeelo caafimaadka beerka, maadaama ay tahay xubinta nolosha aad muhiim ugu ah.

jaantus kusabsan cagaarshowga 


Author: By HOSHOW GULLED 



                                   DHAMAAD 

            

Comments

Popular Posts