Sidee Aydhisku u Burburiyaa Ilaalinta Dabiiciga ah ee Jirka?

 Sidee Aydhisku u Burburiyaa Ilaalinta Dabiiciga ah ee Jirka?

Aydhis (AIDS), oo micnaheedu yahay Acquired Immunodeficiency Syndrome, waa cudur halis ah oo keena burburka nidaamka difaaca jirka. Cudurkaan waxaa keena fayraska HIV (Human Immunodeficiency Virus) kaasoo si tartiib tartiib ah u dila unugyada difaaca, gaar ahaan nooca loo yaqaan CD4 cells (unugyada T-helper).

Maxaa Dhaca Marka HIV Jirka Galo?

1. Fayrasku wuxuu weeraraa CD4 cells

Marka HIV uu jirka galo, wuxuu si gaar ah u raadsadaa unugyada CD4, kuwaas oo muhiim u ah ogaanshaha iyo la dagaalanka cudurrada. Wuxuu galayaa gudaha unugyadaas wuxuuna isku dayaa inuu isku tarmo (ku tarmo unugga dhexdiisa).

2. CD4 cells waa la burburiyaa

Marka fayrasku isku taro, unuggii uu ku jiro wuu dilaayaa, wuxuuna u gudbaa unugyo kale. Inta badan fayrasku wuu dilaa CD4-yadii badan ee jirka ku jiray.

3. Difaaca jirka wuu daciifaa

Marka tirada CD4 ay hoos u dhacdo, jirka ma awoodo inuu iska difaaco infekshanada fudud ee caadiga ah. Qofka wuxuu si fudud ugu nuglaadaa caabuqyo, jeermisyo, iyo xataa kansarro gaar ah.

4. Qofka wuxuu gaarayaa marxaladda Aydhis

Haddii aan la daaweyn, HIV wuxuu qofka gaarsiiyaa heer Aydhis ah, taasoo ah marxalad halis ah oo calaamado muuqda leh: caato xad dhaaf ah, matag, shuban joogto ah, xummad, iyo cudurro kale oo aan caadi ahaan qof caafimaad qaba ku dhici lahayn.

Sidee Loo Hortagaa HIV iyo Aydhis?

Iska ilaali galmo aan badbaado lahayn (xiro kondhom).

Isticmaal cirbado nadiif ah, oo aan la wadaagin.

Samee baaritaan HIV mar walba oo halis jirto.

Ha la wadaagin qalabka goynta sida maqasyada ama cadayga.

Haddii aad uur leedahay, hubi in laguu sameeyo baaritaan si aan ilmo HIV u qaadin.

Gunaanad:

HIV waa fayras aan isla markiiba la dareemin, balse si aamusnaan ah u dila difaaca jirka. Waa cudur aan daawo buuxda loo helin, balse waxaa la helay daawooyin joojiya horumarkiisa haddii waqtiga la bilaabo. Wacyigelin, taxaddar, iyo baaritaan joogto ah ayaa ah hubka ugu weyn ee lagu difaaco naf iyo bulsho. 

jaantus kusabsan cudurka aydhiska  iyo difaaca jirka 


Author: By HOSHOW GULLED 


Comments

Popular Posts