Cuntooyinka Ku Habboon Dadka Sonkorowga Qaba

Cuntooyinka Ku Habboon Dadka Sonkorowga Qaba

1. Hordhac:
Sonkorowgu (Diabetes) waa cudur raaga oo u baahan in si gaar ah loo maareeyo cunista. Dadka qaba sonkorowga waxay u baahan yihiin cuntooyin aan kor u qaadin heerka sonkorta dhiigga isla markaana hodan ku ah nafaqooyin caafimaad leh.
2. Cuntooyinka ugu habboon dadka sonkorowga qaba:
Khudaar cagaaran sida broccoli, spinach, iyo saladh
Miraha aan macaan badnayn sida tufaaxa, liinta iyo buluugga
Qamadiga dhan (whole grains) sida rootiga madow iyo bariiska brown-ka
Lowska iyo miraha qallalan
Kalluunka dufanka leh sida salmon iyo sardines
3. Cuntooyinka ay tahay in laga fogaado:
Sonkorta cad iyo nacnaca
Cabitaanada sonkorta leh (soda, fanta iwm)
Cuntooyinka buufiska leh (chips, burger, cake iwm)
Bariis cad iyo rootiga cad
4. Talooyin dheeraad ah oo cunto la xiriira:
Cun cunto yar oo badan inta lagu jiro maalinta halkii aad ka cuni lahayd hal mar oo weyn
Cab biyo badan, iska ilaali cabitaanada macmacaan
Doorso cuntooyinka si jirkaaga u helo nafaqo kala duwan
Samee dhaqdhaqaaq jir ahaaneed si joogto ah
5. Gabagabo:
Qofka qaba sonkorowga wuxuu si buuxda u maareyn karaa caafimaadkiisa haddii uu raaco nidaam cunto oo caafimaad leh. Xulashada saxda ah ee cuntada waxay hoos u dhigtaa khatarta dhibaatooyinka la xiriira cudurka.







DHAMAAD 


W/Q Hoshow Gulled 


Waxaa nagala socon kartaa link-ga hoose adigoo nasoo folow garaynaayo hadana nadhiirigeliaayo 
Hosh57.blogspot.com





Comments

Popular Posts