Cuntooyinka Nafaqada Leh ee Ilmaha Ugu Fiican

Cuntooyinka Nafaqada Leh ee Ilmaha Ugu Fiican 

1. Hordhac:
Ilmaha koraya waxay u baahan yihiin cunto nafaqo leh si ay u helaan korriin caafimaad leh, maskax firfircoon iyo difaac adag. Cuntooyinka saxda ah waxay ka hortagaan cudurrada waxayna dhiirrigeliyaan horumarka jirka iyo maskaxda.

2. Nafaqooyinka ugu muhiimsan ee ilmaha u baahan yahay:
Ilmaha waxay u baahan yihiin borotiin si ay u dhisaan murqahooda, fiitamiin D iyo calcium si lafahooda u adkaadaan, iyo omega-3 si maskaxdoodu u korto si wanaagsan. Waxa kale oo muhiim u ah fiitamiinada A, C, iyo iron.
3. Cuntooyin Tusaale u ah ilmaha caafimaadka qaba:
Ukun: Xigasho wanaagsan oo borotiin iyo fiitamiin D ah.
Kalluunka salmoonka: Wuxuu hodan ku yahay omega-3.
Caanaha iyo farmaajada: Kalsiyum u fiican lafaha.
Khudaarta iyo miraha: Waxay siiyaan ilmaha fiitamiinno iyo fiber.
Digirta iyo bariiska brown-ka: Waxay ka caawiyaan tamar iyo korriin.
4.Cuntooyinka laga fogaado:
Cuntooyinka warshadaysan sida nacnaca badan, cabitaanada sonkorta leh, chips-ka, iyo cuntada dufanka badan leh waa in laga ilaaliyo ilmaha, maadaama ay dhaawici karaan caafimaadkooda.
5. Gabagabo:
Cunto caafimaad leh waxay dhistaa mustaqbal caafimaad leh. Waalidiintu waa inay doortaan cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan si carruurtoodu u helaan koboc caafimaad leh, maskax furan, iyo nolol firfircoon. 



                               DHAMAAD 

W/Q Hoshow Gulled  

Comments

Popular Posts