Maxaa Keena Nafaqo-darro (Malnutrition) iyo Sida Loo Daweeyo?

Maxaa Keena Nafaqo-darro (Malnutrition) iyo Sida Loo Daweeyo?

1. Hordhac:

Nafaqo-darradu waa xaalad ay jirto marka jirku uusan helin nafaqo ku filan si uu si caadi ah u shaqeeyo. Waxa ay saameyn ku yeelataa dhammaan da'da, laakiin si gaar ah ayey u halis ugu tahay carruurta, haweenka uurka leh, iyo dadka da’da ah.

2. Maxaa sababa nafaqo-darro?
Cunto aan isku dheelitirneyn
Fakirnimo iyo helid la’aan cunto nafaqo leh
Cudurrada sida shuban-dheerta iyo jeermisyada
Xanuunada dhuun-galayda ama caloosha saameeya
Korriin xad dhaaf ah oo cunto la’aan la socda (gaar ahaan carruurta)

3. Calaamadaha lagu garto nafaqo-darrada:
Miisaanka oo yaraada si aan caadi ahayn
Daallin joogto ah iyo tamar la’aan
Timaha oo dillaaca ama jabo
Maqaarka oo qalala ama iska beddela
Xusuusta iyo feejignaanta oo yaraada
4. Sidee loo daweeyaa nafaqo-darrada?
Cunto isku dheelitiran oo ay ku jiraan borotiin, fiitamiino, iyo macdano
Kordhinta cabitaanka biyaha iyo cabitaanno nafaqo leh
U helista daryeel caafimaad iyo baaritaanno joogto ah
Kordhinta isticmaalka cuntooyinka dabiiciga ah sida khudradda, miraha, iyo hilibka tayada leh
5. Gabagabo:
Nafaqo-darradu waa dhibaato laga hortagi karo. Wacyigelin, cunto sax ah, iyo daryeel caafimaad ayaa ah furayaasha xalka. Ilaalinta nafaqada waxay dhistaa mustaqbal caafimaad leh. 

       


      
                       DHAMAAAD 

W/Q Hoshow Gulled 

Comments

Popular Posts