Nafaqada Ku Jirta Muuska iyo Sida Loo Cuno Si Faa’iido Leh

Nafaqada Ku Jirta Muuska iyo Sida Loo Cuno Si Faa’iido Leh

1. Hordhac:
Muusku waa mid ka mid ah miraha ugu caansan uguna la jecel yahay dunida. Waxa uu leeyahay dhadhan macaan iyo nafaqooyin badan oo muhiim u ah jirka, gaar ahaan carruurta, dadka waaweyn iyo xitaa ciyaartoyda.

2. Nafaqada uu muuska leeyahay:
Muusku waxa uu hodan ku yahay:
Potassium: Ka hortaga cadaadiska dhiigga iyo xanuunada wadnaha.
Fiitamiin B6: Ka qayb qaata habsami u shaqeynta neerfaha iyo dhiigga.
Fiber: Ka caawiya calool fadhiga iyo dheefshiidka.
Vitamin C: Wax ka taraya difaaca jirka.
3. Faa’iidooyinka caafimaad ee muuska:
Waxay xoojisaa tamarta jirka, gaar ahaan kahor ama kadib jimicsi.
Waxay hagaajisaa dheefshiidka oo la dagaallanta calool istaagga.
Waxay yareysaa xanaaqa iyo daalka maskaxda.
Waxay kor u qaadaa heerka macdanta potassium ee jirka.
4. Sida ugu wanaagsan ee loo cuno:
Muuska waa lagu cuni karaa kaligiis, balse si caafimaad leh waxaa lagu dari karaa:
Quraac ahaan oo lala cuno caano ama oats.
Lagu walaabo smoothie-yada.
Lagu daro saladka miro ama yogurt.
Waa muhiim in aanan lagu darin sonkor badan marka la adeegsanayo muuska.
5. Gabagabo:
Muuska waa miro awood badan oo nafaqo badan leh. Cunto maalinle ah oo leh muus waxay kaa caawin kartaa inaad hesho tamar, caafimaad iyo niyad wanaag.

Jaantus kusabsan muuska @ canva 


                         DHAMAAD  

W/Q   Hoshow Gulled  

Comments

Popular Posts