Sidee Looga Faa’iideystaa Cuntooyinka Qolofka leh (Nuts & Seeds)?
Sidee Looga Faa’iideystaa Cuntooyinka Qolofka leh (Nuts & Seeds)?
1. Hordhac:
Cuntooyinka qolofka leh sida lowska, sisinta, iniinta chia, iyo iniinta bocorka ayaa noqday cuntooyin aad loo qiimeeyo. Waxay ka buuxaan nafaqooyin muhiim ah oo si weyn uga qayb qaata caafimaadka guud ee jirka.
2. Nafaqada ku jirta cuntooyinka qolofka leh:
Protein: Waxay dhisaan unugyada iyo muruqyada.
Dufan caafimaad leh: Sida omega-3 iyo omega-6.
Fiitamiinno iyo macdano: Vitamin E, magnesium, zinc iyo selenium.
Fiber: Waxay hagaajisaa dheefshiidka.
3. Faa’iidooyinka caafimaad ee ay leeyihiin:
Waxay hoos u dhigaan kolestaroolka xun (LDL).
Waxay yareeyaan halista cudurrada wadnaha.
Waxay ka caawiyaan xakameynta miisaanka.
Waxay kordhiyaan tamarta jirka.
4. Sida ugu wanaagsan ee loo cuno:
Waxaad cuni kartaa:
Lows iyo sisin la shiiday oo lagu daray smoothie.
Iniinta chia lagu daray caano ama yogurt.
Lowska ama seeds-ka lagu daro salad.
Ku cun sida snack fudud xilliyada gaajada.
5. Gabagabo:
Cuntooyinka qolofka leh waa nafaqo culus oo jirka u roon. Inaad si maalinle ah u cunto xaddi yar waxay kaa caawin kartaa caafimaad fiican, tamar badan, iyo difaac jidheed oo xoogan.
DHAMAAD
W/Q Hoshow Gulled


Comments