Sidee Nafaqadu Saameyn Ugu Yeelan Karta Koritaanka Carruurta?

Sidee Nafaqadu Saameyn Ugu Yeelan Karta Koritaanka Carruurta?

1. Hordhac:
Carruurtu waxay u baahan yihiin cuntooyin nafaqo leh si ay si wanaagsan u koraan, u horumaraan, isla markaana u yeeshaan difaac jidheed oo xooggan. Nafaqada carruurtu helaan sannadaha hore ee noloshooda ayaa si toos ah u saameeya mustaqbalkooda caafimaad.
2. Nafaqada muhiimka u ah koritaanka carruurta:
Borotiin: Dhisida unugyada jirka iyo murqaha.
Calcium iyo Vitamin D: Adkaynta lafaha iyo ilkaha.
Iron: Ka hortagga dhiig-yarida iyo kobcinta maskaxda.
Vitamin A & C: Kordhinta difaaca jirka iyo maqaarka caafimaadka leh.
Fiber: Hagaajinta dheefshiidka.

3. Cuntooyinka lagu horumariyo koritaanka:
Ukunta: Waxay bixisaa borotiin iyo fiitamiino muhiim ah.
Caanaha & farmaajada: Il muhiim ah oo calcium ah.
Kalluunka: Si gaar ah salmon iyo tuna, kuwaas oo hodan ku ah Omega-3.
Khudaarta cagaaran & miraha: Waxay bixiyaan fiitamiino iyo macdano.
Digirta & bariiska buniga ah: Tamarta iyo fiber-ka.
4. Dhibaatooyinka nafaqo-darro ku keento koritaanka:
Kordhinta cudurrada iyo caabuqyada
Korriin gaabis ah
Xusuus iyo feejignaan la’aan
Miisaan iyo dherer ka hooseeya celceliska da'dooda
Dhibaatooyin waxbarasho iyo maskaxeed
5. Gabagabo:
Nafaqada wanaagsan waa aasaaska koritaanka caafimaad leh ee carruurta. Waa mas’uuliyad waalid iyo bulsho in carruurta la siiyo cuntooyin isku dheelitiran oo nafaqo leh si ay u helaan mustaqbal caafimaad qaba.









DHAMAAD 




W/Q Hoshow 
         Gulled 





  

Comments

Popular Posts