5-ta cunto ee ugu fiican waqtiga saxda ah ee hadda lajooga

 5-ta cunto ee ugu fiican waqtiga saxda ah ee hadda lajooga

By Abdinasir Dirie hoshow                                                                                                                                                          published on july 07, 2026
















1.Cuntooyika ugu muhiimsan
  • cuntooyinka sare sida " xidho-midhood, khudaarta caleenta ah, lowska, iniinaha, qolafta qamadiga ah, waxaa kabuuxa fitamiino, macdan, fiber, kuwaas oo ka ilaaliya dhaawaca jirka
  • nafaqooyinkaan waxa ay saacidaan diffacaca caafimaadka, dheefshiidka, shaqo ahaan wadnaha iyo maskaxda sidooklae waxa ay nagacaawiyaan in ay ka hortagaan xannuunda
  • cuntooyinkaan aadka u sareeya ma,ahan kaliya nafaqo, sidooklae si dhib yar loo heli karo, adeegsigeedu badan yahay si fududna loo diyaarinkaro.   
 halka ay jiraan cuntooyin badan oo caafimaad badan oo aad kaheli karto dukaan lagu iibiyo khudaarta cagaaran, qaar kamid ah waxaa aad ugu badan nafaqada- waan xermo marka loofiiriyo kuwakale waxaana lagu magacaabaa cuntooyinka sare waxaana ku badan nafaqooyin muhiimah sida fitamiinada, macdanta, iyo waxyaabaha kahortaga sunta, waxay nasiiyaan faidooyin badan oo xaga caafimaadka ah.
waxaa kamid ah khudaarta, Miraha, Iniinta, iyo intaas waxkabadan.    

2.Cuntooyinka lakhamiiriyay ee caafimaadka leh 2026

cuntooyinka lakhamiiriyay (fermented foods) waa cuntooyin ay bakteeriyo ama khamiir fa,iido leh si dabiici ah loobadalay. 
sanadka 2026, khubrada nafaqadu waxay wali kutaliyaan cuntooyinkaan maadama ay taageeraan caafimaadka mindhicirka iyo difaaca jirka. 

Maxay yihiin Cuntooyinka lakhamiiriyay?

waxaa kamid ah

  • yogurt 
  • kefir
  • kimchi 
  • Sauerkraut
  • Miso
cuntooyinkaani waxa ay hodan kuyiin bakteeriyada wanaagsan kuwaas oo muhiim u ah dheef-shiidka iyo caafimaadka guud



1. waxay hagaajiyaan dheef-shiidka 
probiotics-ku waxay ka caawiyaan jirka inuu si fiican u dheefshiido cuntada, waxayna yareyaan dhibaatooyinka sida calool-fadhiga iyo dibbirada. 

2.waxay xoojiyaan difaaca jirka

Qayb weyn oo difaaca jirka ayaa laxiriirta caafimaadka mindhicirka. marka mindhicirku caafimaad qabo, jirku wuxuu si fiican  ula dagaalamaa cudurradda. 

3. waxay korhiyaan nuugista nafaqada

khamiirintu waxay fududeysaa in jirku nuugo fitamiinada iyo macdanta muhiimka ah ee cuntada jirka. 

4.waxay taageeraan caafimaadka maskaxda
Cilmi baarisyo ayaa muujiyey  in caafimaadka mindhicirku uu saameyn ku leeyahay niyadda iyo shqada maskaxda. 

5.waxay taageeraan caafimaadka Guud 

isticmaalka joogtada ah ee cuntooyinka la khamiiriyay wuxuu gacan ka geysan karaa ilaalinta caafimaadka guud iyo dheelitirka bakteeriyada wanaagsan ee jirka 

3.  Kalluunka dufanka leh
kalluunka dufanka leh, sida salmon, sardines, Mackerel, iyo tuna, waxa uu kamid yahay cuntooyinka ugu nafaqada badan ee lagu taliyey in si joogto ah loo cuno. waxa uu hodan ku yahay borotiin tayo sare leh, dufanka caafimaadka leh ee '' Omega-3, fitamiinada D iyo B12 iyo   macdan muhiim ah sida selenium iyo iodine.  Sababtaas awgeed,waxa uu kaalinta kaga jirraa cuntooyinka ugu faaidada badan sandka 2026 












Faaidooyinka kalluunka dufanka leh 

1. wuxuu ilaaliyaa caafimaadka wadnaha 
Omega-3-ku wuxuu caawiyaa dhimista baraka jirka, hagaajinta wareega iyo yareenta halista cudurrada wadnaha.

2.wuxuu xoojiyaa maskaxda 

Dufanka Omega-3 waa qayb muhiim ah oo maskaxda kamid ah. Cunista kalluunka waxay taageertaa xasuusta, feejignaanta iyo shaqada maskaxda.

3. wiuxuu dhisaa murqaha  

Kalluunka waa il wanaagsan oo borotiin ah, kaas oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo dayactirka murqaha iyo unugyada jirka.

4. Waxaa Xoojiyaa Lafaha

Fiitamiin D-ga ku jira kalluunka wuxuu caawiya jirka inuu nuugo kaalshiyamka, taas oo muhiim u ah lafaha iyo ilkaha.

5. Waxaa Taageero Difaaca Jirka

Fiitamiinnada iyo macdanta ku jirta kalluunka waxaa xoojiyaa difaaca jirka, iyagoo ka caawinaya la dagaallanka cudurrada.

Sidee Loo Cuni Karaa?

  • ladubay 
  • la kariyay 
  • la shiilay iyadoo saliid yar la isticmaalayo 
  • lagu daro salad ama bariis 
waxaa lagu talinayaa in la cuno kalluun dufan leh ugu yaraan laba jeer toddobaadkii si loo helo 
 faa'iidooyinka caafimaad ee ugu badan.  

4-Khudaarta caleenta madow 

khudaarta Caleenta madow waxay ka mid yihiin cuntooyinka ugu nafaqada badan dunida sida isbinaajka (spinach), kale, collard greens, iyo Swiss chard. Waxay hodan ku yihiin fiitamiin A, C, E, iyo K, macdanooyinkii ay ka mid yihiin birta (iron), kaalshiyamka (calcium), magnesium, iyo potassium, iyo waliba fiber iyo antioxidants. Taasi waxay ka dhigaysaa cunto muhiim u ah qof kasta oo doonaya nolol caafimaad leh. 

Faa'iidooyinka Caleenta Madow
1. Waxay Xoojiyaan Difaaca Jirka
Fiitamiin C iyo antioxidants-ka ku jira caleentan waxay ka caawiyaan jirka inuu iska difaaco caabuqyada iyo cudurrada.
2. Waxay Ilaaliyaan Caafimaadka Indhaha
Fiitamiin A, lutein, iyo zeaxanthin waxay taageeraan aragga waxayna yareyn karaan khatarta dhibaatooyinka indhaha ee la xiriira gabowga.
3. Waxay Xoojiyaan Lafaha
Caleentan waxay hodan ku yihiin fiitamiin K iyo kaalshiyam, oo ay muhiim u ah adkaynta lafaha iyo ilkaha.
4. Waxay Hagaajiyaan Dheef-shiidka
Fiber-ka badan ee ku jira waxuu caawiyaa shaqada mindhicirka, waxuu yareeyaa calool-fadhiga, waxuuna taageeraa caafimaadka dheef-shiidka.
5. Waxay Taageeraan Caafimaadka wadnaha 

potassium-ka iyo antioxidants-ka waxay gacan wayn kagaystaan hagaajinta cadaadiska dhiiga iyo ilaalinta xididdada dhiiga. 



5. Ukunta (Eggs) 🥚
Ukuntu waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada badan dunida. Waxay tahay borotii toga lahaa fiitamiindiga A, D, B12, choline iyo macdan muhiim ah sida selenium.
Faa'idada Ukunta:
1.Waxay dhishta oo dayactira murqaha.
2.Waxay taageershta caafimaadda maskaxda iyo xusuusta.
3.Waxay caawiysta caafimaadda indhaha.
4.Waxay isista tamar muddo dheere socota.
5.Waxay caawiystaan inaad dareento dhereg taas oo taageerri karta maarayn miisaanka.
Gunaanad: 
Ukuntada waa cun jabaan, oo faaf furan loo

















                               Dhamaad

Comments

Waa maqaal saameyn leh xiiso fiicsn leh ku soco inaad ii wado maqaalada nuucaan ookale

5-ta cuno........

FOOD IS A MEDICINE (CUNTADA WAA DAWO )

Cunno isku dheelitiran (Balance Diet)

NAFAQO DARRO ( MALNUTRITION)